Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay qorshe ay meesha uga saarayso dhammaan ciidamada gaarka ah ee ay leeyihiin dowlad deegaannada dalkaas, kuwaas oo lagu dari doono ciidanka qaranka ama booliska heer federaal iyo heer gobol.

Xafiiska warfaafinta ee dowladda Itoobiya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiiska Facebook ku sheegay in askarta ka tirsan ciidamada gaarka ah ay “ku biiri karaan qeybaha kala duwan ee ciidamada heer federaal”.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa beenisay in tallaabada lagu beegsanayo ciidamada gaarka ah ee Amxaarada oo saacado ka hor inta aan warka la shaacin uu dagaal dhexmaray ciidamada qaranka.

Deegaannada Amxaarada ayaa u muuqday mid ka fogaanaya xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed tan iyo markii la saxiixay heshiiskii lagu soo afjaray colaadda Tigray bishii November 2022.

Deegaannada Amxaarada iyo Tigray ayaa si weyn ugu dagaallamay qeybo kamid ah Waqooyiga Itoobiya intii uu socday dagaalka ay ku dhinteen kumannaanka qof.

Xisbiga mucaaradka ah ee Dhaq-dhaqaaqa Amxaarada (Nama) ayaa ku eedeeyay xukuumadda Addis Ababa in qorshaha dib u habeynta ciidamada ay shaacisay iyadoo aan “loo diyaargaroobin”.

Heshiiska Pretoria ay ku gaareen xooggaga Tigray iyo xukuumadda Addis Ababa ayaa dhigaya in hub ka dhigis lagu sameeyo dagaalyahannada TPLF, qodobkaas oo ay dowladda sheegtay in si buuxda loo dhaqangeliyay.

Maxay uga dhigan tahay Deegaanka Soomaalida?
Ciidamada gaarka ah ee Liyuu Booliska Deegaanka Soomaalida ayaa qabta hawlo kala duwan oo ay kamid tahay ilaalinta xuduudaha.

Bishii July 2022, guutooyin ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Deegaanka Soomaalida, waxaana markii dambe jabiyay Liyuu Booliska deegaankaas oo dib ugu soo celiyay gudaha Soomaaliya.

Shabaab
XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Xirsi Cabdiqaadir Maxamed (Xirsi Neero) oo xildhibaan mar ka ahaa baarlamaanka Deegaanka Soomaalida, kana faallooda arrimaha Itoobiya, ayaa qaba in dhibaatooyin ay xukuumada Addis Ababa kala kulantay ciidamada gaarka ah awgood ay keentay in xilligan meesha laga saaro.

“Ciidamada gaarka ah ee Tigray ayaa la dagaallamay dowladda federaalka, waxaana ay xukuumadda Abiy garawsatay dhibaatada uga iman karta xooggaga u gaarka ah Deegaannada. Xisbiga talada haya waa mid doonaya in uu Itoobiya ku xukumo awood urursan, waana sababta uu meesha uga saarayo ciidan kasta oo caqabad ku ah ciidamada qaranka ee ka amar qaata Addis Ababa,” ayuu yiri Xirsi Neero.

Waxa uu ku doodaya in xukuumadaha deegaannada oo ay kamid tahay tan Soomaalida aanay soo dhaweyn doonin go’aanka Addis Ababa.

“Deegaannadu ma doonayaan in la baabi‘iyo ciidamada gaarka u ah. Tusaale ahaan, Deegaanka Soomaalida maadaama uu luuqad ahaan ka duwan yahay dalka intiisa kale, ciidamada federaalka na horay loogu eedeeyay in ay tacadiyo ka geysteen dhulkan, waxaa adkaanaysa in shacabka ay soo dhaweeyaan ciidan aanay luuqad ahaan is fahmi karin,” ayuu tilmaamay Xirsi Neero.

Xildhibaanka hore ayaa sheegay in halkii laga baabi’in lahaa ciidamada Liyu booliska Deegaaanka Soomaalida ay wanaagsan tahay in tiradooda la dhimo, isla markaana lagu hayo xeryo gaar ah si loo adeegsado marka loo baahdo.

Xafiiska warfaafinta ee dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada qaranka ay la wareegi doonaan amniga dalka marka uu bilowday hannaanka hub ka dhigista ciidamada gaarka u ah deegaannada.

Dadka ka faallooda arrimaha Itoobiya ayaa sheegaya in dowlad deegaannada ay u arki karaan tallaabada ay qaaday xukuumadda Abiy mid lagu wiiqayo is maamulkooda, taasina ay horseedi karto xasarad horleh.