Waan ogahay oo dhaqanka reer Djibouti inanta abtigeed ayaa bixiya ee ma abti kale oo Haybado bixiya ayaa la waayay?

Maya lama waayin oo Djibouti reer abtigeed wuu buuxa oo xoghaya guud ee madaxtooyada Djibouti ba (Cabinet secretary general), Almis Maxamed Hure, waa inanta abtigeed laakiin abti lama rabin ee fursad kaloo reer Somaliland irbadii suuxitaanka la inoogu sii dheereeyo oo suuxitaanka kusii jirno ayeey heleen oo markaa Ismaaciil ka faa’idaystay.
Abtiga la jecelyahay dalkiisana waa la jeclaada laakiin Ismaaciil isna wuu ogyahay ana waan ogahay in qof dalkaaga jecleyn oo jiritaankiisa kasoo horjeeda aanad sinaba u jeclaan karin ee shaxdan uu maanta ciyaaray siyaasad ugala jeedo. Nasiib daro se Muuse Biixi iyo in badan oo reer Somaliland ahoo qiiro jabaantu hagto, in kalgacal iyo soo dhawayn loogu dooray in uu inantaa bixiyo ayeey u haystaan.
Inanta abti waan u ahay oo habkii qabiilka ee aad u fikir jirteen marka laga hadlaayo 4 ayaanu kala tirsana aniga iyo Khadra Maxamuud Xayd laakiin abtinimada qaranimada ayaa ka wayn oo anigu xitaa hambalyeen maayo waayo Ismaaciil iska daayo inaadeertay waligeed ismay odhan bal orodo dalkan aabaha kasoo jeedo soo eeg oo u hiili!
Aniga role model kayga siyaasadu waa, ilaahay ha u naxariiste, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo ay u kala socneyd qaranimada Somaliland iyo waxa qabiil ahaan la isku yahay qoyska Djibouti ka taliya iyo dadka reer Djibouti ba.
Waxa aad u xiiso badan oo qofkii maqla qaranimadu waxa ay tahay baraya, sheeko uu ka sheekeeyay Cabdilqaadir Jirde. Wuxu yidhi: “Waxa noo yeedhay madaxwayne Cigaal oo wuxu naggu wargaliyay in dakhli yaraani jirto oo miisaaniyadi isdhintay (budget deficit) isagoo markaa talo na waydiinaya”. Wuxu yidhi Cabdilqaadir: ” Waxa aanu ku nidhi hantida ma guurtada ah ee qaranka hala iibiyo si halkaa dakhli ugasoo xaroodo, dabadeedna Cigaal wuxu noogu jawaabay dadkeenu lacag ay hantida qaranka ku iibsadaan ma haystaan ee 4 nin oo reer Djibouti ah ayaa wakhtigan xaadirka ah iibsan kara kuwaana ka iibin mayno”.
Hada u fiirso, 4-ta nin ee reer Djibouti ee uu Cigaal sheegayay qabiil ahaan way is-xigeen laakiin isagu xagga uu ka eegayay ama waxa uu u arkayay dad Qaran kale kasoo jeeda sidaa daraadeedna dadka hantida qaranka ee la iibinayo ka faa’idaysanaya in ay Somalilanders noqdaan ayuu rabay.
Qaranimadu waa taa ee ilaahay ha garansiiyo reer Somaliland oo uu Muuse Biixi u horeeyo.
May be an image of 13 people and indoor

Waxa qoray

Id Hassan Musa