WAAYAHA CIRO IYO ISKU XIDHXIDHKA SIYAASADDA DHINACA DIPLOMASIYADDA MA DAALO AADNA WUUNA YAQAAN.

Ciro waa diplomasi Cabqariya. Addunyadda qosol buu ku dhaafey. Waxaan si xidhiidh ah ula shaqeynayey 12 sano. Habeen maanu kala leexan. Go’aan walbu qaatey.

Maana saluugin. Waxyaabaha aan la yaabona si aan ii muuqan ayuu igu sheega. Meel anan ka filaneyn

Waxaan xasuusta oo aan kaga yaabey. Ma daalo, balan walba u cidd la galo waqtigeda waa diyaar.

Waxaan ku xaqiijiyey anagoo daalan oo Belgium joogna. Ayaanu Hotelka aanu deganeyn 4 subaxnimo nimi anago ka nimi xuduudka Holland. Teamkii nala socdey wey daateen.

Anna shaley oo kalaan Geneva ka imi. Secretary General Interpeace baanu ku balaney marku yimaado Belguim in aan telephone kula hadalsiiyo. 8:15 subaxnimo isla maalintaas. Anoo daalan ayaan Mobilka buuxsaddey.

Anoo isleh armuu soo kaci waaya. Ayaan qolkiisii garaacey. Waata cidna iga furi weydey. Hoostan u degey si aan telephone qolkiisa usoo garaaco.

Receptioniskii markaan tagey ayaan ku idhi roomka ii garaaca. Wiilkii receptionka igu yidhi wuu soo degey ee dhinaca quraacda ka eeg.

Mise wuu fadhiya oo quracanaya. Ugu yaraan shaley kabaahanu xidhaney 8 subaxnimo ayaanu xaley 4 nimi hotelka oo seexaney ( Hurdo indha caseys ah) kulan kalena waxanu laheyn isla maallinta 9:30 subaxnimo.

Markaasan ku idhi qolkaan ka soo eegey goormaad soo degtey. Waxaan islaha soo kici kari maaye. Markaasu igu yidhi labadeena anaa ka yar. Intuu qosley. Markaasu Secretary General Interpeace sidii kula hadley.

Markaasu igu yidhi (Diplmasiyadda shaqadeeddu waa in aad balanta ka baxin waqtigana ilaaliso) markaa #Cali_Gurey Waa runtiis Ciro bahasha Diplmasiyadda iyo ku shaqeynteeda alle wuu barey

Markaa hadda Muuse waxu ku leeyahey, muusow iska rafo. Waqtiga ayaa ku haya. Muuse sidi jabhaddii buu rabey inu dagaal ciro abaabulo qeyladdu is qabsato.

Maalintii mudaharaadka intii Ciro lagu sameyey ee gaadhiga la jiidhsiiyey. Hadduu muuse ahaan lahaa. Dalkeena dagaal sokeeya ka dhici lahaa, ama sidiisii buu SHAANI tuuri lahaa.

Markaa Ciro Muuse Doorashadda wuu ka foolinaya ee ha degdegina. Waayo muuse si fiican baa caalamka iyo dadkuba u fahmeen. Qarjacjac aan soconeyn ayuu u heysta in umadda lagu hogaamin karo.

Isku soo wadda duubo. Ciro kelmaddan oo ah weedhaha caan baxey ayuu Muuse kula hadley. Welise muuse casharkan ma fahmin

“A diplomat is a person who can tell you to go to hell in such a way that you actually look forward to the trip”

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari