WADDANI oo soo Bandhigay Lacagta ku baxday dib u dhiska Khayriyada Hargeysa oo Madaxtooyadu dib u Dumisay
Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Arrimaha bulshada ee Xisbiga WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa soo bandhigay dhaqaalaha ku baxay dib u dhiska Xarunta Khayriyada Hargeysa oo xukuumaddu xalay dib u dumisay qayb ka mid ah.
Xoghayuhu wuxuu sidaas ku shรจegay qoraal uu ku baahiyay Facebookgiisa waxaanu u qornaa sidan:-
“Mashruuca dib u dhiska Fagaaraha Khayriyada Hargeysa waxa ku baxay ($222,153) Maalintii danta laga lahaa Mashruucaa lama marin jid Sharci waxa la siiyay Shirkado aan ku tartamin, wejigii hore waxa lagu bixiyay ($132,784) waxaana la saxeexay (20-12-2020).
Madaxtooyada Somaliland waxay heshiiska la gashay Shirkadda dib u dhisaysa Diyaarada ee Zak Construction (30-11-2020) muddada qandaraasku wuxuu ahaa 3 bilood (29-JUN 2021).
Mar labaad waxa lagu kordhiyey kharshka dhismaha qiime lacageed ($89,369).
Maanta waa la dumiyay oo wejahadda waxa looga rarayaa Taajir aan ku helin Tartan iyo Jid Sharci oo Daahfuran, 10 goobood way ka badan yihiin Danta Guud ee Dabka saarani ! Hargeysi ha toosto ?.”