Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi iyo Wafti Uu Hogaaminayo ayaa gaadhay Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Waftigan ayaa inta la xaqiijiyay ay xubno ka yihiin Taliyaha Ciidamadda Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, waxaanay gogol xaadh u sii yihiin Waftiga Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo dhawaan Dalka Itoobiya Tagaya.

Ilaa hada ma cada wakhtiga rasmiga ah uu Madaxweynuhu uu u socdali doono dalka Itoobiya.