Wefti uu hoggaamijayo Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo ay weheliyaan Agaasimayaal Guud, Guddoomiyeyaal iyo masuuliyiin kala duwan, ayaa safar shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta Gobolka Together.
Wasiirka iyo weftigiisa, waxay xalay kulan la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada Togdheer, kuwaasi oo iska xog-waraystay xaaladaha Gobolka Togdheer.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa ka qaybgelaya xafladda qallin-jabinta Jaamacadda Burco oo ay maanta ku beegan tahay qallin-jabinteedu.
Wasiirka Madaxtooyada JSL Khadar Xuseen Cabdi, ayaa la filayaa inuu gelinka dambe ee maanta safar ugu baxo magaalada Oodweyne ee xarunta Gobolka Daad-madheedh.
Wasiirka Madaxtooyada iyo weftiga la socda, ayaa la filayaa inay mashaariic cusub ka dhagax-dhigaan Gobolka Daad-madheedh, isla markaana ay shirar la qaataan hal-doorka bulshada reer Daad-madheedh.
Geesta kale, wefti ka socda Xukuumadda JSL ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Gobolka Sanaag, waxayna shirar la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.
Weftiyadan ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Gobolada Bariga, ayaa qayb ka ah dedaalada ay Xukuumadda Madaxweyne Cirro ugu jirto horumarka dalka iyo sidii bulshada looga xog-waraysan lahaa baahiyaha degaannada ay ku nool yihiin.





