


Safiirkii hore safaarada Somaliland ee Djibouti, Cabdifatax Siciid Axmed ayaa xilkii ku wareejiyey safiir ku xigeenka safaarada Somaliland ee Djibouti Cabdilahi Maxamd. wuxaanu halkaa ugu mahad celiyey madaxweynaha jamhuuriyada Djibouti, mudane Ismail Omer Geelleh, xukumadiisa iyo dhamaan shacbi waynaha jamhuuriyada Djibouti, sidii wanagsanayd ee ay ula shaqeeyeen muddada u safiirka ka ahaa dalka Djibouti.
Isaga oo sidoo kalena u mahadceliyey safaaradaha ku sugan Djibouti, ee ay xidhiidhka wada-shaqaynayd ka dhaxeeyey muddada u Djibouti ku sugnaa.
Waxa kale oo uu mahad celin balaadhan u jeediyay saraakiisha iyo masuuliyiinta safaarada Somaliland ee Djibouti, oo uu ugu horeeyo safiir ku xigeenka safaarada Somaliland Djibouti Cabdilahi Maxamed sulda an .
Gebo-gabadiina wuxuu dardaaran ku siiyey in ay shaqada halkaa ka sii Laban laabaan, si wanagsana ula shaqeeyaan safiirka cusub ee safarada Somaliland ee Djibouti, Amb Maxamed Dahir (Cukuse)





