Cadan,(Qaran News)-Sida ay baahisay warbaahinta dalka Yemen qaarkood waxa ay dawlada Yemen ay xabsiga u taxaabtay wakiilkii Somaliland u joogay dalka Yemen mudane Idiris Adam Raaji.

Warbaahinta Yemen waxa ay sheegayaan in wakiilka Somaliland ee dalka Yemen uu sifo sharci ah uu ku joogay dalkaasi

Qoyska wakiilka ayaa iyana warbaahinta u sheegay in wakìil Idiris Adam uu xidhanyahay tan iyo 13kii bishani aynu ku jirno waxana ay sheegeen in ayna ogayn halka iyo goobta lagu hayo wakiilka isla markaasi a ayna booqan karin.

Ma cada sababta loo xidhay wakiilka hase ahaatèe waxa ay u eegtahay in ay xukuumadda Yemen ay doonayso in ay abuurto qaab ay xidhiidho wada hadal ula yeelato xukuumadda Somaliland taasi oo ay u aragto in qaabkani uu yahay mid indhaha Somaliland ay ku soo jiidan karto.

Magaalooyinka Somaliland sida Hargeisa, Berbera, Borama, Gabiilay,Wajaale  Burco iyo meelo kaleba waxa ku sugan dad ka soo jeeda dalka Yemen dadkaasi lagu qiyaaso dad kor u dhaafaaya 20kun oo qof, dadkani ayaa isugu jira ganacsato waaweyn dad shicib ah oo ka xoogsada Somaliland iyaga oo si xor ah oo aan la dhibin ugu nool Somaliland waxa sidoo kale jira dad qaxoitinimo ku jooga dalka oo ay xukuumadda Somaliland qaabishay una ogolaatay in ay dalka ku noolaan karaan kana shaqaysan karaan.

Sida ay doontaba ha noqotee ilaa hada xukuumadda Somaliland kama ay hadal xadhiga wakiilaasi Somaliland ee lagu xidhay dalka Yemen sidoo kale dawlada Yemen kama ay hadlin sababta ay u xidhay wakiilaasi sida sharciga ah u joogay ama uga hawl galaayay.

Qarannews.com