Hargeisa'(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirkiisa arimaha gudaha ayaa walaac xoogani la soo gudboonaday kadib markii ay heleen warark sheegaaya in gobolka Togdheer uu gabi ahaanba u xuub siibtay mucaarid ka soo hor jeeda xukuumadda Muuse Biixi uu gadh wadeenka ka yahay.

Wasiir Maxamed Kaahin oo ka soobjeeda gobolka Togdheer ayaa ilo wareedyo ku dhow dhowi sheegayaan in uu arintaasi aad uga cadhooday isla markaasina uu ku hanjabay in aan gobolka Togdheer sinaba lagaga qaado karin.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa badiba qabsday quluubta shicibka reer Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer oo hada si toos ah looga faro maroojiyay xukuumadda Muuse Biixi waxana kuu cadaynaysa sida waftiga balaadhan ee Muuse u diray Burco ay faro madhnaanta ugaga baxeen.

Ma aha uun gobolka Togdheer gooobta laga hantiyay quluubta shicibka ee waxa gabi ahaan a gacanta xukuumadda ka baxay oo hadii maanta ay doorashadu dhacdo cod ahaan xukuumadda Muuse lagu dhaqaajinayaa gobolada Awdal Sanaag, galbeedka Sool iyo iyada ay aad u soo badanayaan tageerayaasha xisbiga Waddani ee goboladda Maroodi jeex iyo Saaxil oo dhawaan xafladdo uu xisbiga Waddani u qaban doono tageerayaal ka soo baxaaya xisbiga talada haya ee xukuumadda Muuse Biixi