Wallaahay waa riyo dhab ah oo aan arkay.
Waxa aan ku riyooday aniga oo ku soo baxay dad meel ku urursan oo isugu jira shacab iyo askar , waxa la ii sheegay in uu baxsaday Muuse Biixi, xilkii madaxweynenimona uu iska casilay,isaga oo ka baqaya dad uu godob ka galay intii uu xilka hayay , waxa ka mid ahaa dadka wax ka tirsanayay nin lacag badan ku lahaa oo la i tusay waraaqo caddaynaya lahaanshahaa.
Dadka urursan waxa ay tubnaayeen meel u eeg magaalo duleedkeed, halkaas oo ay ka bidhaaminayeen sooqabashada Muuse oo lagaga daba tagay lagana soo qabtay meel miyi ah oo lahayd dhir dhererkeedu meel dhexaad yahay,kuwo gaagaaban iyo buur sokodeed.
Riyadan waxa aan ku riyooday ka hor inta aanan suxuurta u soo kicin 19/Ramadaan/1444 – 10/April/2023.
Sawirkii riyadu illaa hadda si wacan buu iigu muuqdaa .