Sida laga warqabo waxa warbaahinta qaarkood dhex wareegaya hadalo aan sax ahayn oo dano gaar ahi dabada ka riixayaan kaas oo sheegaya in Telesom ay xawaaladaha waddanka ka joojisay adeeggii ZAAD.

 

Ugu horayn, shirkadda Telesom waa shirkad saamilay ah oo kummanaan qof oo reer Somaliland ahi ay saami ku leeyihiin mana aha meel qof ama qofaf iska leeyihiin. Adeegyada ay bulshada u qabataana waa kuwo laf-dhabar u ah dhaqaalaha, horumarka iyo sumcadda dalka.

 

Hadaba, annaga oo tixgelinayna masuuliyadda aanu bulshada u hayno iyo wadashaqaynta wanaagsan ee naga dhaxaysa guud ahaan ganacsatada iyo gaar ahaan bahda adeegyada maaliyadeed, waxaanu halkan ku caddaynaynaa in aanay jirin xawaalad aanu heshiis kula jirnay inay macaamiishooda ZAAD u soo mariyaan xawaaladaha oo aanu ka xidhnay adeeggii, marka laga reebo ciddii hore iskood uga baxday heshiiskii naga dhexeeyay.

 

Sidoo kale, waxa aannu caddaynaynaa in dhammaan shirkadaha xawaaladaha ee aanu heshiiska kula jirno adeeggu u shaqaynayo.

 

Mar labaad waxa aannu bulshada u caddaynaynaa in markasta aannu diyaar u nahay xawaalad kasta oo ruqsad xawaladeed Baanka Somaliland ka haysata oo doonaysa inay adeega ZAAD u isticmaasho si waafaqsan heshiiska aanu ku heshiino, marka laga reebo kuwa ka maarmay ama hore iskood uga baxday heshiiskii naga dhexeeyay oo ay ka mid tahay World remit.

 

Ugu dambayn, waxaanu marwalba bulshada u ballanqaadaynaa in aannu hufnaantii nalooga bartay ugu adeegi doono, annaga oo ku talinayna in khilaafaadka arrimaha maaliyadeed looga dambeeyo Baanka Dhexe iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh, ciddii cabanaysaana ay iyaga marto.

Marwalba horumarinta Bulshada ayaanu heegan u nahay.

ALLAA MAHAD LEH