Somaliland: Wasaarada Isgaadhsinta iyo Tiknoolajiyada oo aan Weli ku guulaysan Bogeedii Facebuug iyo bogga Wasaarada Shaqo gelinta oo la jabsaday dhawaan inay ka soo celiyaan Budhcada jabsatay ayaa maanta magaalada Hargeysa Tababar ku saabsan sida looga hortago Budhcada Internet-ka uga furtay waaxyaha ICT-ga ee xukuumada Somaliland.
Wasaarada Isgaadhsinta ayaa hore Loo sheegay in dad dibada jooga Lacagyow badan ku siiso sidii calaamada buluuga Ah loo saari lahaa bogga Facebuug ee xukuumada.
Wasaarada isgaadhsinta ayuu Wasiir ka yahay oo Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi oo Shahadada sare ee Doctorate ka Sita Cilmiga ICT-ga
Waxa xusid mudan in Maamulka Puntland ee Soomaliya uu maalmo kooban ku soo celiyay bogga Madaxweyne ku-xigeenka maamulkas oo budhcad jabsatay halka Somaliland wasaarada u Xil saarnayd toknoolajiyadu muddo bilo Ah awoodi wayday inay soo ceshato boggeedii wakhti la jabsaday bogii labaad ee dawladu leedahay oo Ah ka wasaarada shaqo gelinta Somaliland.
May be an image of text that says 'MINISTRY OF INFORMATION AND COMMUNICATION TECHNOLOGY CYBER WARFARE DEFENSE & ATTACK SEMINAR FOR GOVERNMENT ICT OFFICIALS A unique seminar to introduce Government ICT Officials with the world of cyber warfare 眠 30th Nov- 1st Dec- 2022 Baraar Hotel, Hargeisa'