Guddidii Ergada Habarjeclo oo soo Saaray Go’aamo Waaweyn

Hargeysa(Qaran)-Guddida Beesha Habarjeclo ayaa go’aamiyay in Somaliland laga qabto Doorasho isku sidkan oo ah madaxtooyo iyo Ururro wada socda 13ka Bisha November 2024.

Waxa kaloo ay go’aamiyeen in shan maalmood gudahood lagu kala diro jabhada hubaysan ee Gacan-libaax, isla markaana madaxweynuhuna cafiyo.
Qoddobada kale ee ay soo saareen waxa ka mid ah; in saddexda Xisbi ee imika jiraa ay galaan doorashada madaxtooyada.
Sidoo kale Guddida Habarjeclo waxay go’aamiyaan in beelaha Garxajis bixiyaan ciidankii lagu laayay Go’da yar oo laga xukumay 120 Halaad. Si gaar ah waxa konton halaad oo dheeraad ah laga xukumay sarkaalkii Maydkiisa madaxa lagaga joogsaday.

Waxa ay magtaas u qabteen in lagu bixiyo muddo 3 Bilood gudahood ah.

Guddida ergadu waxa kaloo ay go’aamiyeen in hantidii iyo basbuurtii jabhada Gacan-libaax qabsadeen lagu soo wareejiyo gacanta dawladda Somaliland.