Markabkani ay Puntland qabsatay wuxuu sidaa shixnad uu kasoo qaaday dekadda ku taala magaalo xeebeedka Izmir ee wadanka Turkiga, waxana uu kasoo shiraacday 28 Juun 2025 waxana uu kusii jeeday Mogadishu oo ku beegnaa 21 Juulay 2025 inuu tago oo uu hubkaasi ku dajiyo.
Inkastoo xogta oo buuxda aan la arki karin hadana waxa muuqata shixnadda uu sido asalkeeda laga keenay Turkiga oo ku qoran magaca ciidanka Soomaaliyeed.
Waa shixnad uu leeyahay Turkigu oo lagu waday Muqdisho waxana saaran hub casri ah oo ay ka midyihiin lidka diyaaradaha oo casri ah
– Puntland masuuliyad baa ka saaran inay hubkaas gacanta ku qabato oo ku qalabayso ciidanka baahida wayn u qaba ee (state) ka maxaa yeelay waa fursad muhiim ah, hadii ay tahay dood sharci iyo mid siyaasaddeed intaba DFS waa uga gar leedahay, maxaa yeelay waxay ku jirtaa dagaal wayna u baahnayd taageero.
Hubkan waxa laga soo raray dekad ku taala dalka Turkiga oo markii hore ka yimid oo hubkaasi laga keenay waxana dhamaan hubka ku qoran afka ama luuqada Turkiga
Dalka Turkiga ayaa aad uga war warsan in xeerarka NATO uu qabtaan amase aan wax masuuliyaddaro ah uga soo gaadhin sidaas awadeedna waxa uu ku dadaalayaa in uu hibkaasi iska fogeeyo





