Warbixin caalami ah oo ay baahisay warbaahinta Timeless Africa ayaa iftiimisay xidhiidhka sii xoogaysanaya iyo iskaashiga dan-wadaagta ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil, kaas oo si weyn usoo ifbaxaya xilli gobolka Geeska Afrika uu galay marxalad cusub oo ku salaysan tartan istiraatiiji ah iyo isbahaysiyo siyaasadeed oo isa soo taraya.

Warbixinta caalamiga ah oo Wargeyska DAWAN ka soo xigtay warbaahinta Timeless Africa, waxay si cad u sheegtay in dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil ay si tartiib tartiib ah u dhisayaan xidhiidh xoogan iyo iskaashi wadajir ah oo ku salaysan dano dhaqaale, horumar bulsho, mid amni, iskaashi diblomaasiyadeed, ganacsi, iyo muhiimadda juqraafiyeed ee marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Timeless Africa waxay Somaliland ku tilmaantay qaran leh xasillooni siyaasadeed, amni deggan, nidaam dawladnimo oo shaqaynaya, iyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo muddo dheer ka hanaqaaday Gobolka Geeska Afrika oo ay hadheeyeen xasilooni darro siyaasadeed . Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay si weyn u soo jiidatay indhaha beesha caalamka, gaar ahaan quwadaha waaweyn ee daneeya gobolka.

Dhinaca kale, warbixintu waxay Dekedda Berbera iyo goobta juqraafiyeed ee Somaliland ku sifaysay furaha cusu ee siyaasadda Badda Cas, iyadoo tilmaamtay in Somaliland ay noqotay xudunta isku xidhka Afrika, Bariga Dhexe, iyo suuqyada ganacsiga ee caalamka. Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay in xidhiidhka labada dhinac uu yahay xidhiidh ku salaysan dan wadaag, kuwaas oo ay ka mid yihiin: iskaashiga tiknoolajiyadda, horumarinta beeraha iyo biyaha, maalgashiga iyo ganacsiga iyo xoojinta saamaynta diblomaasiyadeed.

Gabagabadii, warbixintu waxay xustay in siyaasadda casriga ah ee caalamku aanay hadda wixii ka dambeeyay ku dhisnaan doonin taariikh iyo xidhiidho hore oo keliya, balse ay ku salaysanaan doonaa dano istiraatiiji ah, iskaashi wax-ku-ool ah, iyo awoodda ay dalalku u leeyihiin inay dhistaan xidhiidho cusub oo waxtar leh. Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Somaliland ay maanta si isa soo taraysa uga dhex muuqanayso masraxa siyaasadda iyo diblomaasiyadda caalamka, iyadoo sii xoojinaysa doorkeeda istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Ahmed Saleebaan