Warbixin caalami ah oo ay daabacday warbaahinta Firstpost ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dhistay iskaashi cusub oo ay la samaysay dawlahada
L Israa’iil iyo Taiwan, tallaabadaas oo ay falanqeeyayaasha siyaasadda caalamku ku tilmaameen inay abuurayso dhidib juqraafiyeed cusub oo ka soo ifbaxaya Geeska Afrika. Ka dib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland iyo booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ku tagay magaalada Qudus, kuwaas oo si cad u muujiyay isbeddelka istaraatiijiga ah ee ku yimid siyaasadda gobolka.

Warbixinta ay daabacday warbaahinta Firstpost oo Wargeyska Dawan soo xigtay, Waxa kale oo lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si wax ku ool ah u ballaadhinayso xidhiidhkeeda istaraatiijiga ah, gaar ahaan iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo dhaqaalaha, isla markaana ay iskaashi dhab ah la samaysay laba ka mid ah ciyaartoyda ugu xasaasisan siyaasadda adduunka. Sidoo kalena ay si weyn u xoojisay doorka dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera oo ah mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka.

Sidoo kale, warbixintu waxay si gaar ah u xustay doorka istiraatiijiga ah ee Dekedda Berbera, taas oo noqotay marin ganacsi oo muhiim ah oo ku yaalla Geeska Afrika, isla markaana leh saameyn ballaadhan oo la xidhiidha isu socoda maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah. Warbixintu waxay intaa ku dartay in isbeddelladan cusub ay muujinayaan in Geeska Afrika uu galay marxalad cusub oo juqraafi-siyaasadeed, saamaynta isbahaysiga cusub ee ka soo ifbaxay, kaas oo isu dheelli-tiraya awoodda gobolka.