Xasuusta Qafaalashadii 1 May 2019, Xabsigii lay taxaabay !
Maanta oo kale, abbaara Labadii Duburnimo kolkii aan qadada gacanta sidaa u geliyay ee aanan weli Afka gaadhsiin ayaan maqlay jug culus, waxa la soo daafadeeyay Albaabka Guriga si arxan darro iyo argagax leh, waxa soo jiidhay Albaabkii toddoba askari oo uu Hoggaaminaayo nin Gashaan le ah oo aad u cadhaysan, qolka aan ku qadaynaayey oo albaabku furraa ayay soo galeen waxaanay igu qabteen qoryo ay siteen oo cabbaysan. Hays dhaqaajin, hays dilin, qori caaradii ayaa laygu hayaa, ma hubaysni mana diidani in aan raaco oo aan ixtiraamo ciidanka mayse suginba hadale waxay ii dedejiyeen harraati iyo jujub.
Waxaan ka codsaday in aan xidho shaadh madaama aan feedho qaawanaa, gacmaha oo aan raashin ku lahaana iska tiro, in aan qadada dhamaysto haba sheegin oo aan faraxasho imay dhagaysan ee waxay amar adag igu siiyeen in aan isataagoo, laba nin oo axmaq ah ayaa garba duub isugu kay jabiyay oo kor ii kiciyay anoon macawis xidhan, qaylada iyo buuqa ka dhacaya waxaad moodda in ay qabteen qof danbi culus galay oo aan loo ogolayn nuuxsi.
Guriga debidiisa waxa taagnaa oo ku hareeraysnaa shan askari oo iyaguna hubaysan, waxa laysoo saaray debeda iyadoo laysku kay jabiyay, argagax iyo anfariir ayaa jaarka iyo gurigaba ku dhacay, nasiib darro warqad ogolaansho may sidan oo xadhig sharci ah muu ahayn oo maxkamadi soo xalaalaysay wuxuu ahaa amar qabasho oo siyaasadaysan laguna raali gelinaayo Madaxweyne Muuse Biixi, 1 May waa maalin fasax oo ma shaqeeyaan maxkaamduhu waaran qabashana layma wadanin, waxaan taasi ka hor cadaatay maxakamda markii lay saaray.
Ninkii watay ciidanka ayaan weydiiyay sababta xadhigayga wax cad iima sheegin, cabbaar kolkii aanu soconnay ee aanu maraynay waaxda Degmada Gacan Libaax ayuu i weydiiyay su’aal, wuxu i yidhi maada qoraalka Facebook-ga yaal qoray? Waxaan ku idhi haa anaa qoray waana aragti xisbi ahaan aanu ka aminsannahay go’aanka madaxweynuhu ku qaatay in Ceel-afweyn iyo qaybo ka mid gobolka Sanaag lagu soo rogo xaalad degdega, gobolkaa dadka ku dhaqanina ma mudna in sida loola dhaqmo madaama bil Ramadaans oo gelayso, nabad gelyadana waxa ka masuul ah xukuumadda iyadaana ay tahay in ay sugto oo damiso colaadda Ceel-afweyn.
Gaashanalaha ciidanka watay ayaa i weydiiyay mar labaad su’aal aanu xaq iigu lahayn oo aan munaasib ku ahayn qofnimdiisa “Dorashadii miyaa laydinkaga shubtay mise waa laydinka guulaystay” Askari waa nalagaga shubtay caddaymaheedii iyo tabashadeeduna waxay taal xarunta guud haddi aad nasoo booqato waanu ku tusi karnaa ducment-yada inkastoo aanad xaq u lahayn, wuxuu haddana igu jawaab celiyay “ma sideetan kun ayaa lagu shubtaa bal beenta aad sheegayso eeg adeer waa laydinka guulaystee in aad aqbashaan ayay ahayd natiijada”
Cabbaar markii aanu soconay ayuu haddana i weydiiya su’aal labaad oo aan la yaabay “ Xisbigiina waxa laga hagaaa Xamar maad ka daysaan dalka khalkhal gelinta aminga” waxaan ugu jawaabay Adeer saddexda Xisbi qaran waa reer Somaliland waxaanay leeyihiin sharciyad qaanuuniya oo ay ku aasaasan yihiin Kulmiye, Ucid iyo Waddani midna lagama adeegsadi Xamar ee waa muwaadiniin, waana mucaarid iyo muxaafid kala aragti duwan.
Markii aanu marayno Dugsiga Sheekh-bashiir ayuu si cadho leh ii yidhi “ Cirro ayaa idiin adeegsanaya in aad madaxda af-lagaadaysaan” waxan ugu jawaabay nin ciidan ah ayaa tahay waxaanan ixtiraama dirayskaa aad huwantahay su’aalahanna xaq iiguma lihid, mana tihid maxakamaddi qaadaysay eedayda ee i xitiraam oo si sharaf leh ii gee xabsiga lagu yidhi kusoo rid. Waxaan u arkaayay dhammaan su’aalaha, qaabka laysoo qabtay, hatigaada iyo sida aan loo ilaalin xuquuqdayda xaqdarro iyo sharci jebin.
Waxaanu soo gaadhnay Saldhiga dhexe ee magaalada Haragaysa, waxay ku jireen ciidanka heegan buuxa, waxa lay mariyay oobiga, waxaan layga reebay mobil aan sitay oo i agyaallau markii lay soo xidhay. Waxa layga qaaday Mobil markii laysoo kaxeeyay i ag yaalay , intii aanan dhiibin ayuu kor u qayliyay ninkii ciidanka watay wuxuu yidhi “ waxbuu iga duubay ee baadha Mobilkiisa” waxaan ugu jawaabay kaama duubin laakin wax kasta oo aynu is nidhi waxaan ku duubay qalbigayga oo aan cidi ka masixi karayn. Mobilkii waa la eegay waxna waa laga waayay madaama aanan fursadba u helin in aan wax ku duubo.
Oobiga qofka marka la keeno waxa laga qoraa magaciisa iyo eedda waxa loo haysto, anniga waa lay dhaafiyay magacaygana laygama qorin waxna layma weydiin, waxa lay geeyay qol xagga danbe ku yaal oo aan lahayn daaqad, iftiin iyo hawo furan aadna u mugdi ah, looguna xidho dadka dilka loo hayo iyo kiisaska khatarta ah, wuxuu ku leeyahay suuliga gudaha, waa qol aad u nadaafad liita oo baranbarada tuulan aad moodo dhagax la saydhiyay, muddo lama nadiifin, wax gogol ah ma sidan oo aan isag adhigo qabawga sidbidhka.
Maxaabista kale waxay ku wada jiraan qolaal, waxa anniga laygu qufulay qol keliday aaan ku ahaa, maxaabistana waxa noo dhexeeyay alabaab dhexe, waxaan lagu amray in aan qofna soo istaagin alaabaabka qolka aan ku jiro, ma haysan biyo aan cabbo iskadaa qaar aan ku xaajo iyo weyso guto eh, sidaa ayuu gabbalku iigu dhacay maalintaa. Kolka sidaa cadceedu u godgasho waxa sida roobka soo daatay dukhaan maalin oo dhan ku gamaarsana daldaloolada qolka, baranbaro suuliga gudihiisa ku jirtay, madaam aan iftiin jirin waxaad dhagaysanaysa jabaqda iyo sanqadhoodha noolaha wehelka qolka ah.
Afar maalmood oo aan ku xabbisnaa qolkaa madaw ehel iyo asxaab midna layma ogolaan in ay iiso galaan oo ay isoo booqdaan, raashinka waxa ii keenayay nin askariya, cid keentay ehel iyo cadaw midna ma qoon, waxaan dhawr jeer u sheegay Taliyaha saldhiga in qofka raashinka sida aan arko si aan u ogaado halka laga keenay haddi kalena ay masuulyada qaadaan, dheg layma dhigin, waxaad mooda cadaawada iyo cadhada ka muuqata in ay hayaan qof shisheeye oo denbi qaran galay la ciqaabayo.
Ciidankeenuu waxay u baahan yihiin in la baro sida habboon ee xuquuq dhawridda leh ee loola dhaqmo qofka maxbuuska ah, waxaan muhiim ah in liisyo tabaabro dheeraad si looga baaqsado jidh dilka, hanjabaadda, hatigaada iyo hadalada adage e maxaabista lagu hayo, si kalsooni u dhalato oo aanay u ahaan cadaw macaamilaya, askarta waxa ku jira qaar badan oo dadnimo leh oo kuula dhaqmaaya si wanaagsan waxase ka badan kuwa aan fahamsanayn maxbuuska xaqiisa iyo xuquuqda uu ku leeyahay.
Subuxii sabtida ayaa lay hor geeyay xeer-ilaalinta gobolka, waxa lay geeyay xeer ilaaliye aanan hore u arag oo ahaa da’ada kontameyada, waxaanu eegay eeddi macmalka ahaa ee bilaysku waden, nasiib darro muu weydiin waaranka qabashada iyo sifaha laysoo xidhay, waxa lay dhaafiyay guddoomiyaha maxakamadda gobolka oo ahaa Cabdi-qawdhan.
Gudoomiyaha maxakamadda gobolka waxa aan ka codsaday in lay geeyay Jeelka weyn ee Hargaysa oo xuquuqd iyo nolol dhaama saldhiga, waxaanu tixgeliyay codsigii Guddoomiye Cirro oo goob joog ahaa, waxa isna lanoo wada dhadhaadhiciyay Xabsiga Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku jiray saldhiga dhexe. subaxaa waxa xidhnaa dhammaan waddooyinka laga galo maxakamadda gobolka Hargaysa ciidankuna waxay galeen heegan aan muhiim ahayn loona baahanayn, waxa goob joog ahaa madax badan oo xisbiga WADDANI ah, waxaan lay dhaadhiciyay Jeelka dhexee Haragsya oo aan ku jiray 71 maamlmood.
(Xasuus qorka Buugga Xerodhiigtii Xorriyadda)
May be an image of 2 people and text