WAREYSIGA JIRDE WAA MID HEER QARANA MAAHA MID XISBI WAA BADBAADO QARAN.
31 sano oo Khibrad mudane Baarlamaan. 7 sano Shir Gudoon ayuu ahaa..24 sano mudane golaha ka tirsan khibraduu hayey ayuu inala wadaagey.
Waxan jeclahey in la tix galiyo. Abdulkadir Haji Ismail Jirde. Waxu ka afeeftey in aanu maanta ku hadleyn dareenka Xisbiga Waddani
Waxu shacabka iyo hogaanka dalka la wadaagey. Xaqiiqda iyo ilaalinta Dastuurka dalka allow garansii nin Moog.
Jirde maha nin caafiadd ku hadla. Waligii intuu siyasadda ku jirey. Waxu ka hadlaya qodob sharci. Aqoonyahanka iyo dhalinyaraddu intuu nool yahey haka faa’iideysato. Nin aqoon yahana oo cadaan ahaa baa laga hayaa.
Somaalidda waayo aragnimadeeda iyo aqoonteedu waa qofku intuu nool yahey.
Maalintu dhintona waa (library Ama archives) gubtey aan dib loo helleyn.
Qodobka ugu danbeeya aan idinku soo xidhaya. Buuga uu qorey wariyahii weynaa AHN (Maxamed Hersi Tera) ee u bixiyey. SOOYAALKA WARBAAHINTA SOOMAALIDDA.
Waxa ku jira nuqul oo ciwaan uga dhigtey, Warbaahinta iyo Taariikhda. Waxu yidhi.
Warbaahinta iyada laga rabaa iney ururiso Taariikhda dalkeeda. Kana raadiso aqoonyahankeena. Waxu yidhi. Marka nin waayo aragi dhinto.
Bey waxey raadiyaan hebel maxuu aha. Waxu kaloo ka hadley taariikhda dalkeeda warbaahintu sidey u ilaalin karto.
Taaso macnaheedu yahey qofka suxufiga inuu weeyelo dhacdoonyinka dalkiisa.
Hadaba bahdda saxafadda waxaan ugu baaqaya dhacdooyinka maantu waa Taariikhda beri eh weeleeya.
Raga waaweyna wareysta oo xogta kala hadha intey nool yihiin. Si beri ey u anfacddo jiilka danbe.
Waxa buwaag taala (liberary) waxa laga qorey dad aan intooda badani nooleyn. Macaal kuwa cilmiga waa dhigaal aqooneed.
Taariikhduna sideedaba waa xasuustii shaley dhacdooyinkii dhacey oo la rabo in lagu saxo mustaqabalka beri ee umadeed ama dowladeed si wax looga barto tagtaddii shalley.
Waa bilaahi Towfiiq
Hon-Envoy Abdirizak Diinaari