Warsaxaafadeedka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka intan weeyee nuxurkiisu.

Aynu ka bilowno cinwaanka warsaxaafadeedka.

Cinwaanku wuxuu odhanayaa “Xasilooni darrida iyo dib-u-dhaca Dimuqraadiyada ee Somaliland”

Halkan Mareykanku warsaxaafadeedkiisa kuma sheegin entity kale oo aan ahayn Somaliland. Xaalada Laascaanood ka socotana wuxuu ku sheegay “Xasilooni darro ka jirta Somaliland gudaheeda”.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu bilaabay “Maraykanku waxa uu si aad ah uga walaacsan yahay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood, waxayna codkeeda ku biirinaynaa xubnaha beesha caalamka iyo waddamada deriska ah ee ku baaqaya in xaaladda la dejiyo, loona hoggaansamo xabad-joonita la isku raacay, la sahlo gargaarka bini-aadantinimo, islamarkaana dib loo bilaabo wadaxaajoodka ku aaddan in arrinka si nabad ah xal loo gaadho”

Hadii kale waxay sheegeen in “Dagaalada sii socda ayaa sii kordhin doona fursadaha ay kooxaha xagjirka ahi ku beeraan xasillooni darro ballaaran”.

Qodobada ay soo saareen waa kuwan:

1. Waxaan Somaliland ugu baaqaynaa in ay ciidankeeda dib u saarto si ay u caddeyso sida ay uga go’an tahay mabaadii’da nabadeed ee xaga sare ku xusan. (May sheegin xaga dib loogu qaadayo)

2: Waxaanu ugu baaqaynaa maleeshiyaadka ku sugan magaalada Laascanood inay ka waantoobaan fal kasta oo dagaal ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland.

3. Waxaanu taageersanahay doorka wax ku oolka ah ee Dawladda Federaalku ka qaadatay arrinkan, iyo hawlgelinteeda ergada odey-dhaqameedyada, sidoo kale waxaan soo dhawaynaynaa sida ay uga go’an tahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inuu wafdiga kula kulmo Hargeysa.

Intaasi waa arrinka Laascaanood.

Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay arrimaha doorashooyinka Somaliland.

“Waxa kale oo aanu ka walaacsanahay in doorashooyinkii madaxtooyada Somaliland ay dib u dhaceen tan iyo bishii November 2022, oo aad uga sii badan wakhtigii ku qeexnaa dastuurka Somaliland. Waxaanu masuuliyiinta Somaliland ugu baaqaynaa inay dejiyaan jadwalka cad oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashooyinka.

Hadii taasi dhici weydo “Maraykanku wuxuu diyaar u yahay in uu isticmaalo awoodisa sharci ee ku xusan 212 (a) (3) (C) ee Xeerka Socdaalka iyo Jinsiyadda si loo xakameeyo bixinta fiisooyinka mas’uuliyiinta hadda jooga ama horey u soo maray Soomaaliya ama shakhsiyaad kale oo la rumeysan yahay in ay mas’uul ka yihiin, ama ka caga jiidanayaan, isla markaana wiiqaya geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Ibrahim Muse Baqardhe

SRA.