Wasiir Cali Xoor-xoor oo Laba Baabuur kala Wareegay Hay’adda WFP


Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda Shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Engineer Cali Cumar Maxamed (Cali- Xorxoor) oo uu wehelinayo agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta hay’dda WFP kala wareegay laba gaadhi oo ka mid noqon doona gaadiidka wasaaradda loogu na talagalay adeegyada iyo hawlaha baaxadda leh ee ay wasaaraddu u hayso qaranka.

Wasiir Cali Xoor-xoor ayaa Hay’adda uga mahadceliyay gaadiidkaas waxaanu sheegay in Wasaaraddu baahi weyn u qabtay oo uu qayb ka qaadan doono fududeynta adeegyada Wasaaraddaasi.

Hay’adda WFP ayaa ka mid ah Ha’yadaha la shaqeeya Wasaaradda Shaqada, waana kaalmadii u horreeyay ee nooceeda ah ee sannadahan ay bixiso Hay’adaasi.