Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Dalka ku soo Casuuntay Dhakhaatiir Jarmal ah



Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaysa masuuliyadda ay qaranka ugu igman tahay ee ah Horumarinta Caafimaadka Bulshada Dalkeena iyo ayaa soo casuumay dhakhaatiir caalami ah oo ka socda dalka Jarmalka (Germany).

Dhakhaatiirtaas oo dhawaan dalka yimid ayaa Cisbitaalka Caruurta ee MAS ka bilaabay qalliimo kala duwan oo loogu talo galay caruurta yaryar ee xaalado-caafimaad darteed ugu baahan in qalliin loo sameeyo.

Dhakhaatiirtan oo dalka joogi doona muddo 12 maalmood ah, ayaa caruurtana u samayn doona qaliimada guud, sida uurku jirta, kaadi mareenka iyo kalyaha, fiixaha, toosinta lafaha qalooca ee ay ku dhashan caruurtu, qaliimada iyo qurxinta gubashada, qaliimada afka iyo wejiga, Sida caruurta faruuran, kuwa dalqada furantay iyo kuwa wejiga nabarada ku leh ama kasoo baxyada.

Qaliimadan ayaa dhammaantood carruurta yar yar loogu sameyn doona, waxaaney wax weyn ka tari doonta dadaalada ay Wasaaradda iyo Cisbitaalku ugu jiraan, daryeelka iyo u adeegista Bulshada gaar ahaan caruurta yaryar ee Dalka.