Wasaaradda Daakhiliga oo Beenisay Warqad Fidmo Lagaga dhex Abuurayey Somaliland
Hargeysa(Qaran news)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa beenisay warqad aanay waxba ka jirin oo la sheegay inay ka soo baxday Wasaaradda Daakhiliga.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qoraal ay hadda baahisay been abuur ku tilmaantay warqadaasi oo looga gol lahaa in qas iyo iska horkeen lagaga dhex abuuro Somaliland.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha guduhuna wuxuu u qornaa sidan:-
“Waa Been abuur warqadan la wareejinayo Baraha Bulshada, taasoo aan ahayn warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.
Sidaa darteed, waxaanu bulshada u sheegaynaa in aanay ku dagmin wararka been abuurka ah ee bulshada iyo Dawladda la iskaga horkeenayo. Dadka caadaystay been abuurka iyo in ay sameeyaan waraaqo aan jirin waxaanu leenahay ummadda ka xishooda.”