๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐˜†โ€™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—”๐—ฎ๐—ป ๐——๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—จ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ค๐—ฎ๐—ฏ๐˜†๐—ผ-๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐——๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa maanta hayโ€™adaha aan dawliga ahayn ee kala duwan, oo ay ka mid yihiin hayโ€™adaha Qaramada Midoobay, hayโ€™adaha caalamiga ah iyo hayโ€™adaha maxalliga ah, u soo bandhigtay qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimaynta, si ay hayโ€™adahaasi uga qaybqaataan dib-u-eegista, talo-bixinta iyo dhamaystirka siyaasadda.

Kulanka wadatashiga ah oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa si rasmi ah u daah-furay ๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฎ๐˜…๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ, ๐— ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐—š๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin iyo wakiillo ka socday hayโ€™adaha Qaramada Midoobay, hayโ€™adaha caalamiga ah iyo hayโ€™adaha maxalliga ah.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in hayโ€™adaha aan dawliga ahayn lala wadaago qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimaynta, lana siiyo fursad ay kaga qaybqaataan geeddi-socodka diyaarinta siyaasadda, iyagoo soo jeedinaya talooyin, aragtiyo iyo talo-bixinno lagu horumarinayo qabyo-qoraalka.

Intii uu kulanku socday, waxaa ka qaybgalayaasha loo soo bandhigay qodobbada muhiimka ah ee qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimaynta, iyadoo sidoo kale la qabtay dood-wadaagyo ay hayโ€™adaha ka qaybgalay kaga dhiibteen aragtiyahooda, talooyinkooda iyo khibradahooda ku aaddan nidaamka dabagalka iyo qiimaynta mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed.

Wadatashigan ayaa qayb muhiim ah ka ah geeddi-socodka diyaarinta Siyaasadda Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimaynta, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo siyaasad loo dhan yahay oo ka tarjumaysa baahiyaha iyo waayo-aragnimada dhinacyada kala duwan ee ku hawlan horumarinta dalka.

Siyaasaddan oo ah mid heer qaran ah ayaa xoojinaysa nidaamka dabagalka iyo qiimaynta mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee laga maalgeliyo deeqaha iyo miisaaniyadda qaranka, waxayna gacan ka geysanaysaa kor u qaadista isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo waxtarka mashaariicda horumarineed.

Sidoo kale, Siyaasadda Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimayntu waxay muhiim u tahay in la helo xog iyo caddayn la isku halayn karo oo lagu salayn karo goโ€™aannada, qorshayaasha iyo siyaasadaha horumarineed ee dalka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hayโ€™adaha dawladda iyo hayโ€™adaha aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya horumarinta Somaliland.