Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Wasiirka oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Jaamacadda Qarnul Ifriiqiya ee dalka Suudaan.

Xafiiska Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Wasiirka Md. Muuse Askar Guuleed, waxaa maanta lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay ka qayb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Agaasimaha Waaxda Idaacadaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey Prof. Muuse Daaha oo ka tirsan Maamulka Sare ee Jaamacadda Qarnul Ifriiqiya ee dalka Suudaan, oo ay weheliyaan maamulka Jaamacadda Al-Huda ee magaalada Hargeysa.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa looga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa xidhiidh iyo iskaashi waara oo u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan isku xidhka Wasaaradda Warfaafinta ee Suudaan iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta iyo tababarka saxafiyiinta ka shaqeeya warbaahinta qaranka, gaar ahaan qaybaha afafka Carabiga ee Telefishanka Qaranka, Idaacadda Radio Hargeysa, iyo Wargeyska Dawan.

Kulankan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada Warfaafinta iyo kor-u-qaadida xirfadaha shaqaalaha warbaahinta ee dalka, iyada oo la adeegsanayo khibradda iyo aqoonta Jaamacadda Qarnul Ifriiqiya iyo Jaamacadda Al-Huda.