Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje, ay wehelinayaan Maayarada Hargeysa, Berbera, Boorama, Gebilay, Tog-Wajaale iyo Masuulin kale oo ka tirsan Dawladda ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay’adda City Alliance iyo Jaamacada Jigjiga, kaasoo maanta ka furmay Magaalada Adisababa ee Dalka Itoobiya.
Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay madaxda uu maro corridor, kaasoo isku xidha Magaalooyinka Berbera iyo Addis-Ababa, (the East African City Corridor Dialogue). Shirkan ayaa lagaga hadlayaa Iskaashiga Gobolka, isu-socodka Ganacsiga, Isbedelka Cimilada, horuumarinta Magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.