Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga Amiir Faisal ayaa sheegay in xasilloonida gobolku ay u baahan tahay diblomaasiyadeed, ee aysan u baahnayn awood milatari

Wuxuu ka digay in xiisadaha gobolku ay saameyn ku leeyihiin amniga adduunka, suuqyada tamarta iyo kobaca dhaqaalaha
Wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo madaxbannaanida, xorriyadda marin-biyoodyada iyo sharciga caalamiga ah.

Hadalkan ka doo yerdhay wasiirka arimaha dibada ee dalka Sacuudiga waxa la sheegayaa in uu salka ku hayo ama jawaab u yahay hadalo hanjabaad ahaa oo ka soo jeedhay Xuutiyiinta Yemen kuwaasi oo sheegay in joojin doonaan ama xanibi doonaan Maraakiibta iyo dhaq dhaqaaqa xaga ganacsiga ee bada cas ee ku socda ama baxaaya dalka Sucuudiga.