Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Soomaaliya muxuu ka doonay Laascanood?

Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil. Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda federaalka oo dhinac ah ay dagaalka hurinayaan.

Wararka ka imaanaya Laascanood ayaa sheegay in wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowl Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif uu tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Wararka ayaa intaa ku daraya in uu kulamo la yeeshay gudiga 33 ee SSC.

Waa wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee tago magalada Laascaanood.

Lama oga in uu weli magaalada joogo iyo inkale.

Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil.

Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda federaalka oo dhinac ah ay dagaalka hurinayaan.

Laascaanood:
wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknilajiyada DFS Jaamac xasan khaliif ayaa maanta kormeer ku tagay cisbitaalka guud ee Laascaanood oo burbur baaxadle gaadhay, sidoo kalena wuxuu booqday dhaawacyada halkaasi yaala.