Wasiirka Ciyaaraha oo la Kulan Masuuliyiin ka Socday Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Cabdiraxiin Xirsi Jaamac Dhooble, ayaa maanta kulan la yeeshay La-taliyaha xafiiska Ciyaaraha ee Dowlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdirisaaq Xasan Maxamed.
Sidoo kale waxa kulankan ku wehelinayey guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, Fu’aad Axmed Cali, waxaaney ka wada haldeen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Dalka Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida ee xagga ciyaaraha.
Waftigan safarka shaqo ku yimid Somaliland ayaa ujeedada socdaalkoodu salka ku haysay sidii Somaliland iyo DDS, ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta dhinaca ciyaaraha labada dal, iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka dhinaca ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhalinyarada.
Maaha markii u horraysay ee masuuliyiinta dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland iyo dawlad deegaanku ay ka arinsadaan sidii loo xoogin lahaa horumarinta dhinaca ciyaaraha labada dal, balse waxa jira kulamo hore oo ay yeesheen masuuliyiinta dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo dawlad deegaanku kuwaasi oo lagaga tashanayay adkaynta xidhiidhka dhinaca ciyaaraha labada dal.
Gaba-gabadii waxa la isla qaatay sidii looga shaqayn lahaa iskaashiga ciyaaraha labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo Dawlad deegaanka.