Wasiirka Daakhiliga oo ka Hadlay Haliso Ammaan oo ka soo Kordhay Badda Cas

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka warbixiyey arrinta Badda Cas iyo Cunaqabataynta Hubka ee Laga Qaaday Soomaliya.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahim Axmed ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey xaaladda amniga arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmmeed, waxaanu wasiirku warbixintiisa daboolka kaga qaadey in Bad xeebeedka Somaliland Amnigeedu sugan yahay isla markaasina hawl galo ay qaadeen Ciidamadda ilaaladda Xeebaha Somaliland ay gacanta ku soo dhigeen hubka noocyadiisa yaryar.

Dhinaca kalena,Wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed kaahim Axmed Waxa uu ka waramey in Badda Cas iyo Gacanka cadmeed,gaar ahaanna Badda Hindiyaan ay ka socdaan Budhcad badded faro Ba-an ku hayey Gaadiidka Maraakiibta Badda ee isaga kala goosheya baddaahaas oo adduunyadu ka qeylisey ,iyadoo wasiirku xusey Badda Somaliland iyo khaliijka carabta u dhaxeysaa in amnigeedu sugan yahay xiligan oo ay maraan Maraakiibta Ganacsi Ee iskaga kala gooshaysa adduunka,iyadoo xukuumadda Somaliland intii kaga aadaneyd Amniga Baddeena ka soo baxdey oo ammaankeedu sugan yaha.

Geesta kalena, Wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahim waxa uu sharaaxd ka bixiyey in dowladdaha koonfurta,waqooyiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed deegaanada kala ah khaliijka iyo Dalalka Afrika muddooyinkii u dambeeyey ku howlanaayeen in sameystaan Gole ka howlgali doona amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Gabogabadiina wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahim axmed waxa uu xusey in Dalalkaas xukuumadda Somaliland xidhiidh kala yeelatey sidii iskaga kaashan lahaayeen ilaalinta amnigga Badda Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa geesta kale sheegay in khatar weyni ay ka dhalan karto cuno qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya maadaama aanay jirin dawlad si xoogan u xakamayn karta hubka soomaaliya imanaya oo ay dhici karto in si khaldan hubkaasi uu ugu gacan galo ururo iyo maleeshiyaad taas oo keeni karta xasilooni daro ka dhacda guud ahaan amaanka gobolka oo dhan