Wasiirka Dastuurka oo la kulmay qaar ka mid ah bulshada reer Boorame

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Arrimaha dastuurka JSL Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa Maanta Kulan ballaadhan kula yeeshay Hotel Saw ee Magaalada Boorama qaar kamid ah aqoonyahanka iyo Haldoorka bulshada Gobolka Awdal.

Wasiirka ayaa xusay in bulshadani yihiin dadkii qaranimada Somaliland ku suntanaa isla mrkaaan ay yihiin bulshadii Xisbiga Kulmiye Gobolka Awdal Codka ugu badan ku galbiyay doorashadii Madaxtooyada JSL ee 2017-kii haddana ay diyaar u yihiin inay dhisaan Murashaxa Xisbiga Kulmiye ahna Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi .

kulankaa kadib Waxaa Shir wada qaatay Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Mr. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Suldaanka
Guud Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal kulankaa ayaa ka dhacay hoyaga suldaanka ee magaalada Boorama.