Wasiirka Deegaanka oo la kulantay Hay’adda Miino Baadhista Hallo Trust
HargeysaQaran)-Masuuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland ayaa kulan la yeeshay madax ka socotay hay’adda miino baadhida ee The Hallo Trust.
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Somaliland shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa kullankaas la qadatay masuulka hay’adda miino baadhida ee Halo Trust u qaabilsan mashaariicda deegaanka Gobolka Geeska Afrika, kaas oo la yidhaa Mr. Ralph Legg.
Kulankaas dhex maray wasaaradda deegaanka iyo masuulkaas ka socday hay’adda miino baadhida ee Halo Trust, intii uu socday waxa laga wada hadlay sidii hay’addaasi ugu soo biiri lahayd dadaalada ay wado Somaliland ee wax- ka qabashada iyo daryeelka deegaanka.
Waxa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Somaliland kullankaas ku wehelinaayay agaasimaha guud Maxamed Cabdilaahi Ducaale iyo agaasimaha waaxda qorsheynta iyo masuuliyiin kale oo wasaaraddaas ka tirsan.