Wasiirka Diinta oo Guddida Wanaag Farista u Kala Diray Gobollada

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo kulan la qaatay Gudida Wanaag farista iyo Xumaan Reebista Somaliland ayaa u kala Direy Gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland .

Waxana Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista Somaliland ay Gobolada Dalka kasoo samayn doonaan wacyi-gelin ku saabsan sidii bulshada Somaliland looga wacy-gelin lahaa ku dhaqanka shareecada,ilaalinta amaanka iyo kor u qaadida wacyi-ga bulshada si bulshadeenu uga baxdo dhibaatooyin badan oo haysta .

Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista Somaliland la hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad-naqay hawlaha shaqo ee ay hayaan,waxaanu ku dhiiri-geliyey in ay halkaa kasii wadaan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa ayaa Gudida u sheegay in la joogo waqtigii ay Gudidu doorkeeda ka qaadan lahayd hawlaha shaqo ee Qaranka gaar ahaan kor u qaadida wacyiga Bulshada ee ilaalinta dhaqanka suuban , ku dhaqanka shareecada islaamka iyo Ilaalinta amaanka si dhibaatooyin badan oo bulshada haysta xalkooda loo helo.

Guddida Wanaag Farista ee Wasiirku u kala direy Gobolada dalka ayaa ah laba qaybood , qayb u safraysa Gobolada Bariga Somaliland oo safarkoodu noqon doono Gobolada Daad-madheedh,Togdheer ,Saraar iyo Sanaag iyo qayb u safraysa Gobolada Galbeedka Somaliland oo Safarkoodu noqon doono Gobolada Awda,Selel ,Gebilay iyo Gobolkan Marood-Jeex .

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu Bulsho-weynta Gobolada Dalka ugu baaqay in ay soo dhoweeyaan Gudida wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Somaliland isla Markaana ay bulshadu ka Faaโ€™idaystaan.