Wasiirka Diinta Somaliland oo la Kulmay Ardayda wax ka Barata Jaamacadaha Madiina


Riyad(Qaran news)-Wefti uu Hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo maanta kulan la qaatay Ardayda Reer Somaliland ee Wax-ka barata Jaamacaddaha Magaalada Madiina,
Wasiirka ayaa ardayda ku dhiiri-geliyey Culuumta Diiniga ah ee ay barayaan isagoona ku bogaadiyey in Culuumta diiniga ah ee ay baranayaan marka ay dhamaystaan ay bulshadoodi uga faa’ideyaan.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa ardayda ugu baaqay in ay Hamigooda kor u qaadaan sidoo kalena tacab badan geliyaan faafinta iyo Fidinta Diinta Islaamka.

Dhinacooda waxa iyana munaasibadaas ka hadlay Ardayda reer Somaliland ee wax ka barata jaamacadaha Islaamiga ah ee Magaalada Madiina iyagoona Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland uga mahad-naqay Kulanka uu ku qaabilay sidoo kalena ay qaateen ar-daaranka iyo Dhiri-gelinta uu Wasiirku u jeediyey Ardayda.