Wasiirka Maalgashiga oo qaabilay Masuul ka Socday Shirkad Turkiga
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdi Cisman Dhaga-weyne iyo agaasimaha guud Maxamed Cisman Siciid ayaa xarunta wasaaradda ku qaabileysl wefti ka socday shirkadda WIN INDUSTRY oo laga leeyahy dalka Turkey.
Mr. Demir Yilmaz oo ah guddoomiyaha Shirkaddan ayaa ka warbixiyay waxa ay danaynayo shirkaddan oo ah maalgashi iyo indho-indhayn ku saabsan dhinaca Energy iyo infrastructure.
Wasiirka ayaa uga warbixiyay ahmidda ay Somaliland u leedahay Maalgashiga iyo in ay soo dhawaynayso cid kasta oo dalka ka samaynaysa maalgashi.