Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Eng.Axmed Jaamac Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday shirkadda AuRONYX, oo danaynaysa maalgashiga iyo sahaminta khayraadka Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftiga shirkadda waxa hoggaaminayey Lorenzo Morolda iyo Xildhibaan Sir Gavin Williamson, kuwaas oo Wasiirka kala hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira macdanta, Jsl horumarinta iskaashiga, iyo sidii loo dardargelin lahaa maalgashiyo wax ku ool ah oo qayb ka qaata koboca dhaqaalaha Somaliland.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay in maalgashigu ku salaysnaado hufnaan, isla xisaabtan, iyo u hoggaansanaanta shuruucda iyo xeerarka dalka, si loo xaqiijiyo ka faa’iidaysi waara oo khayraadka dabiiciga ah.

Wasiir Axmed Jaamac Barre ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay khayraad macdaneed oo hodan ah iyo jawi maalgashi oo soo jiidasho leh, isagoo xusay in Wasaaraddu ay soo dhowaynayso maalgashadayaasha u hoggaansamaya shuruucda dalka isla markaana doonaya iskaashi waara oo faa’iido u leh labada dhinac.