












Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL oo kulan la qaatay agaasimayaasha Waaxyaha. Kulankan oo labadii toddobaadba hal mar ka qabsooma xafiiska Wasiirka ayaa lagaga hadlaa shaqooyinka ay Wasaaraddu u hayso qaranka, qorshahayaasha iyo siyaasadaha kala duwan ee Wasaaradda iyo hawlaha socda ee
maalinlaha ah.
Haddaba, kulankii saaka ee uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL mudane Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle, waxaa ku wehelinayay agaasimaha guud mudane Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase). waxaa sidoo kale goob-joog ahaa dhamaan agaasime-waaxeedyada Wasaaraddu ka kooban tahay.
Qodobbadii kulanka lagaga dooday waxaa ka mid ahaa:
1. Ilaalinta saacadaha shaqada.
2. Dib-u-eegista qorshaha Wasaaradda, gaar ahaan 6-dii bilood ee lasoo dhaafay
3. Dardar-gelinta shaqada waaxyaha TV-ga qaranka, Idaacadda, SOLNA iyo Dawan
4. Dardar-gelinta Wacyigelinta guud ee Wasaaraddu soo saarto
5. Dib-u-eegista Qorshaha fog ee shanta sano (5-year strategic plan)
6. Wada-shaqaynta hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah
7. Saamaynta taban ee baraha bulshada
Gabagabadii kulanka waxaa la is kula qaatay in waax walba fuliso hawlaha ugu jira qorshe-sannadeedka 2025 iyo shaqooyinka kale ee mudnaanta u leh qaranka.





