
Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay wararka maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay, ee sheegaayay in xukuumaddu ay sii daysay ama qorshaynayso inay sii dayso qaar ka mid ah maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalladii ka dhacay bari gobolka Sool sanadkii 2023.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in aanay jirin wax maxaabiis ah oo la wareejiyay ama la qorsheynayo in la wareejiyo, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrinta maxaabiistu ay tahay go’aan u yaalla xukuumadda Somaliland.
“Qadiyadda maxaabiista waa arrin u yaalla Xukuumadda Somaliland, meel maxaabiis lagu wareejiyey, haddana lagu wareejinayo, laguna wareejin doono ma jirto, ilaa iyo amar dowladeed iyo talo madaxweyne,” ayuu yiri Wasiir Barkhad.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu wado qorshe lagu wajahayo xaaladda gobolka Sool oo ku saleysan nabad, wadahadal iyo xal u helidda tabashooyinka jira, halkii laga adeegsan lahaa waddooyin kale.
“Xalinta howlaha gobolka Sool ka jira siyaasadda madaxweynaha iyo xukuumaduba waa in lagu wajaho hab nabadeed, wadahadal, xal raadin wixii tabasho ah ee jirta” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Hadalkan ayaa ku soo aadayaa iyadoo dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in Somaliland siidaysay ama qorshaynayso inay siidayso qaar ka mid ah maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaaladii ka dhacay gobolka Sool





