Wasiirka Warfaafinta oo Tacsi u diray Qoyskii Fanaan Bashiir Xaddi oo ku Geeriyooday Boorame

Hargeysa(Qaran)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Isagoo ku hadlaya Magaciisa, iyo ka guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta wuxuu dhanbaal tacsi ah u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo Bahda Dhaqanka ee Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid alle ha u haxariistee Marxuum Bashiir Xaddi Axmed oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Wasiirku waxa uu sheegay in Marxuumku kaalin mug leh ka soo qaadatay Marxaladihii kala duwanaa ee Fankeenu soo maray.

Wuxuuna eebbe uga baryay inuu naxariistiisa jano ugu deeqo, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan bah’da dhaqanka ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.