Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, “Xuseen Axmed Caydiid” ayaa kullan balaadhan maanta Xarunta Wasaaradda kula qaatey Shaqaale-weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta.
Kullanka ayaa iskugu jirey is-barasho shaqaalaha Wasaaradda ah iyo sidoo kale dar-dargalinta shaqadda, iyada oo Wasiirku ku booriyey Shaqaalaha iney dhawraan wakhtiga shaqadda, iyadoo la fulinayo digreetadii Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Kullanka ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Maxamuud Suldaan Aaddan Yuusuf.
#Dhamaad