Wasiirka Waxbarashada oo Kormeeray Dugsiyo ku yaalla Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL ayaa kormeeray dugsiga sare Sh.Ibraahim Sh.Yuusuf Secondary (Ex-Gacan Libaax).

Kormeerkan oo ahaa mid ka disa ayaa waxa wasiirka ku wehelinaayay Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta wasaraada, waxaanay ugu horay xafiiskiisa warbixin kaga dhagaysteen maamulaha dugsiga Yuusuf Mataan Cabdi isagoo ka waramay maraaxishii kala duwanaa ee uu dugsigu soo maray waxyaabaha u qabsoomay intii uu dugsigan maamulaha ka ahaa iyo waxyaabaha u qorshaysan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo halkaa ka hadlay ayaa maamulka dugsiga ku amaanay dadaalka ay galiyeen dugsigu siduu uga mid noqon lahaa dugsiyada ugu wanaagsan dalka iyadoo uu dugsigu maamulo arday tiro badan, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa bilicda iyo tayada dugsiga..