Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Heshiis Isfaham la Saxeexday Alef Education oo fadhigeedu yahay Imaaraadka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland prof. Ismaciil Ducaale Yusuf oo safar shaqo ku jooga magaalada “Abu Dhabi” dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulan heerkiisu sareeyo la yeeshay masuuliyiinta Alef Education — oo ah shirkad caalami ah oo ku takhasustay horumarinta tignoolajiyada waxbarashada.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee shirkadda, Mr. Geoffrey Alphonso, waxaana labada dhinac ay kala saxeexdeen Heshiis Isfaham (MoU) oo lagu horumarinayo waxbarashada Somaliland, si gaar ah dhinaca tignoolajiyada iyo adeegyada casriga ah ee waxbarashada.

Heshiiskan ayaa daba socda safarkii hore ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, uu ku tegay Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kulamo la yeeshay madaxda dalkaasi, iyada oo lagu xoojinayay iskaashiga labada dhinac. Safarkaasi waxa ka dhashay hirgelinta Isbitaalka weyn ee Burco, halka kani noqday mashruuca labaad ee ugu weyn ee iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka.

Alef Education waa shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka, isla markaana ku guuleysatay abaalmarinno badan oo caalami ah. Shirkaddu waxay adeegyo waxbarasho iyo tignoolaji casri ah ka fulisaa dalal badan, iyadoo gaadhsiisay adeeggeeda in ka badan 1.6 milyan oo arday oo ku kala nool dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Indonesia, Morocco, Sacuudi Carabiya iyo Masar.

Heshiiskan cusub ayaa waxa weyn ka tari doona horumarinka tayada waxbarashada Somaliland, iyadoo ardayda, macallimiinta iyo nidaamka maamulka waxbarashada lagu taageeri doono adeegyo iyo tignoolajiyo casri ah oo ay bixiso Alef Education.