Wasiirro Furay
Nidaamka Casriga ee Nootaayooyinka

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirrada Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Saleebaan Warsame Guuleed iyo Dr. Sacad Cali Shire ayaa xalay [07 April, 2024] magaalada Hargaysa ka daah-furay Nidaamka Casriyeynta Nootaayooyinka (E-Public Notary System ) ee Qabashada Dakhliga Cashuuraha Kala-Wareejinta iibka Hantida Guurtada iyo Maguurtada sida (Dhulka, Dhismaha, iyo Gaadiidka).

Iyada oo laga duulayo baahida loo qabo nidaaminta iyo sugida dakhliga cashuurta kala-wareejinta iibka hantida, iibkaas oo sida rasmiga ah ka dhaca Nootaayooyinka dhexdooda waxa lagama maarmaan noqotay in la yagleelo hanaan is-wada oo casriya kaas oo lagu maaraynayo qabashada dakhliga cashuuraha ku waajibay marka hanti la kala iibsado.

Hirgalinta barnaamijkan oo mudaba soo socday ugu danbayn ayey wajigiisii 1-aad labada Wasaaraddood xalay si wadajira u daah-fureen hirgalintiisa iyada oo wajiga xigana loo gudbin doono Gobolada iyo Degmooyinka Dalka hadii Rabi ogolaado.