Wax badan Ka ogow sababta ka dambeysa Guusha Erdogan.
Farriinta ugu culus ee aan ka qaatay doorashadii turkiga waxa weeye: Hadal dadku uma baahna ee shaqa la taaban karo oo lambarra leh bey rabaan. Erdogan sababta uu doorasha kasta 2002 – 2023 (16 jeer) ugu guulaysanayo wax yar oo ka mid ah aan kaaga sheego:
1) GDP turkiga (wax soo saarka dalka) 2002 wuxuu ahaa: $236 bilyan – hadda 2022 waa: $906 bilyan, trilyoon ayuu afka geliyey.
2) 2002 wuxuu ahaa dhaqaala 18aad adduunka ugu weyn, Hadda 2022: waa dhaqaalaha 11aad adduunka, UK, France ayuu ku xigaa.
3) Awoodda wax iibsi ee muwaadinka GDP/per capita – PPP, 2002: $10,988 Hadda 2022: $ 39,301 / nolosha dadka ka garankartaa.
4) Maal gashiga dibadda ka yimi: 1973-2002 (30 sano) $15 bilyan keliya, Hadda 2003-2022 (20 sano): $ 251 bilyan ayuu gaarey.
5) shirkadaha caalamiga ee dalka soo gala: 2002 wexey ahaayeen 5.6 kun Hadda: 2022 waa 79.6 kun shirkadood (immisaa dad ayaa ka shaqeeya bey kula tahay).
6) Wax dhoofinta : 2002 wexey ahayd: $36 bilyan, hadda 2022 wexey gaadhey: $254 bilyan.
7) Mashaariicda horumarin kama hadlin:
Buundooyinka, Waddooyinka 20k oo KM oo dalka isku xira, garoomada Kan Istanbul ugu weynyahay, hubka iyo saanadda samaynteeda, deymihii sanduuqa lacagta oo bannaanka la mariyey ka dibna sanduuqa la deymiyey.
Xigashada: Xafiiska Maalgashiga ee madaxtooyada turkiga.