Wax ka ogow cunnooyinka & Cabitaannada u fiican xusuusta

cunnooyinka xasuusta u fiican

Marka laga fekero xusuusaha iyo cunnada waxaa kugu soo dhaceysa buuggii ahaa “Baadigoobka Waqtiga Lumay” ee uu qoray qoraaga u dhashay Faransiiska ee Marcel Proust, oo geeriyooday qarni ka hor, taariikhdu markii ay ahayd November 18, 1922.

Waxyaabaha xusuustiisa carruurnimo soo kiciya waxaa ka mid ah doolsho la tiimbiyay shaah.

Xusuusahaas lala xiriiriyo cunnada “waxay sameysmaan iyadoo aan wax ka beddel lagu sameyn,” sida ay BBC Travel u sheegtay Susan Krauss Whitbourne, oo cilmu-nafsiga ka dhigtay Jaamacadda Massachusetts Amherst.

“Waxay ku lug leeyihiin meelaha caadiga ah, ee aan hadalka lahayn ee maskaxda taasoo u gudbi karta iska warqabkaaga,” ayay tiri.

“Taasi waa sababta aad u bixin karto falcelinno qiireysan oo xooggan marka aad cunto cunno soo kicinaysa xusuusahaas qotada dheer.

“Xitaa inkastoo aadan xusuusahaas erayo ahaan u beddeli karin, waad ogtahay inuu jiro ‘shey’ wax tegay ah oo ay cuntadaas soo kiciso. Xusuusta wax ka qoto dheer tahay cunnada qudheeda, waxyaabaha xiriirka la leh xusuustaas muddada dheer, sida goob amaba qof”.

Balse, xiriirkan ka dhexeeya cunnada iyo xusuusta, suurtogal ma tahay inay jiraan waxyaabo gacan ka geysta?

Sida uu qabo khabiirka dhanka cilmu-nafsiga Kimberley Wilson, oo shahaadada sare ka heysta cunnooyinka nafaqada leh ,waxaa jira cunnooyin iyo cabitaanno saameyn taban iyo mid togan ku yeelan karta xusuusta.

Sidan ayuu u sheegay BBC Reel .

“Xusuustu waa awoodda aan u leennahay dib u milicsiga waxyaabo dhowaan amaba xilli fog dhacay.

Waxaan leennahay saddex nooc oo xusuus: mid deg deg ah, mid hadda shaqeyneysa, iyo mid fog.

Xusuusteenna degdegga ah keliya muddo gaaban ayay jiri kartaa: waxaad u adeegsan kartaa inaad ku garaacdo nambar uu qof hadda kuu sheegay adigoon meel ku qoran.

Waxaan xusuusteenna shaqeyneysa u adeegsna karnaa inaan ku fekerno annagoo ficil ku guda jirna.

Howlaha sida wada sheekeysiga, waxay naga caawiyaan inaan xusuusanno waxa uu qofku hadda sheegay, fahanno micnahooda, la xiriirinno wada sheekeysi hore, kaddib la wadaagno fekerkeenna gaarka ah.

Marka la eego xusuusteenna muddada fog waxaan xusuusannaa waxyaabo dhacay maalmo ama sanado kahor.

Xusuusaha ku keydsan waxay u soo guuraan xusuusta dhow.

Waxaana soo baxaysa in waxa aan cunno ay saameyn ku yeelan karaan sida ay xusuusteennu u shaqeyneyso.

Miraha Canabka

Daraasad lagu sameeyay dad waaweyn oo qaba dhibaatooyin dhanka xusuusaha ah, 500 oo milliliters oo cabitaanka canabka purple-ka ah maalintii muddo 12 toddobaad ah ayaa u suurtogeliyay inay bartaan erayo badan marka loo barbardhigo kooxda aan cabitaankaas cabin.

Daraasado kale oo lagu sameeyay carruur, inay cunaan 240 garaam oo canabka blueberries ah ayaa u suurto geliyay inay xusuustaan erayo badan ayna dib u soo xusuustaan si sax ah labo saacadood kaddib.

Marka, cabitaannada purple-ka ah iyo blueberries ma kuwo muhiim ah baa?

Hagaag. Labaduba waxaa ka buuxa maadda anthocyanins, oo ah nooca kiimikada dhirta oo lagu magacaabo polyphenols taasoo siisa midabkooda dugulka ah. Waxyaabahan polyphenol ayaa sidoo kale laga helaa noocyada kale ee canabka.

Marka ay jirka galaan, waxay sare u qaadaan dabacsanaanta xiidmaha dhiigga iyo qulqulka dhiigga ee maskaxda. Tani waxay keeneysaa nafaqo badan oo tamar leh oxygen taasoo sare u qaadeysa xusuusteenna.

Keliyana maaha canabka.

In muddo dheer la cabo shaaha cagaaran ayaa sidoo kale lala xiriiryay inuu sare u qaado xusuusta dhowr, tan shaqeyneysa, uuna yareeyo hoos u dhaca garaadka.

Taasina waxay war wanaagsan u tahay dadka jecel shukulaatada, sidoo kale, sababtoo ah kaakaawga wuxuu wanaajiyaa qulqulka dhiigga, inkastoo la rabo inay noqoto shukulaatada madow oo ka kooban in ka badan 70% kaakaaw si loo helo faa’iidadeeda.

Shukulaatada madow

Waxa ugu muhiimsan ayaa ah cunno caafimaad leh – oo qani ku ah furutada, khudradda, badarka buunshada leh, misirta iyo kalluunka dufanta leh.

Cunnooyinka la warshadeeyay iyo kuwa la dubay

Balse haddii shukulaatada, canabka, iyo shaaha cagaaran ay u fiican yihiin xusuuteenna, ma waxaa jira cunnooyin aan u fiicneyn?

Tobnaan sano oo daraasado lagu sameyayay xayawaanka iyo dhowr jeer oo aadmiga lagu sameeyay waxay muujinayaan in cunnada la warshadeeyay ay saameyn taban ku yeelan karaan waxbarashada iyo xusuusta.

Daraasad ayaa muujineysa 110 qof oo caafimaad qabay oo caadi ahaan cunnooyin nafaqo leh cuna in laga codsaday inay cunaan cunno la shiilay keliya hal toddobaad.

Maalmo gudahood, waxay cunnooyinkaas u horseedeen dhibaatooyin dhanka waxbarashada iyo xusuusta ah iyo xakameyn xumo dhanka wax cunidda ah.

Baaritaan la sameeyay ayaa inoo sheegaya in talaabbooyin yar oo loo qaado dhanka cunidda cunno nafaqo leh, sida inaad quraacda ku darsato furutao, cashadana khudrad ku dunto, ay naga caawin karto sare u qaadidda xusuusteenna maanta ayna difaac u noqon karto tan mustaqbalka.