Waxa aan dhegeystay laba waraysi oo midna lala yeeshay Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo waraysi kale oo lala yeeshay Caaqil Rashiid Jaanbiir.

Suldaan Cismaan oo waraysigiisu uu daba socday shir ka dhacay deegaanka Awaare ee is maamulka Somaalida Itoobiya, shirkaasi oo lagaga hadlay nabada deegaankaasi iyo wada noolaanshaha dadka halkaasi wada dega sida reer Isaaq oo Ogaadeen ah iyo beelaha Baha Garxajis oo xad dheer wadaaga laga soo bilaabo Awaare iyo dekada Laba Qudhac oo aanay cidi u dhaxaynin oo deegaan wadaag leh.

Hadaba hadalka ama waraysiga Suldaan Cismaan suldaan Cali oo ka mid ah salaadiinta Habaryoonis waxa uu daadafeeyay jiritaanka beelaha ahao Garxajis oo ahaa kuwo soo jireen ahaa oo qarniyo badan soo taxnaa, oo ay cid waliba ogayd Gaal iyo Islaamba dadka deegaankuna ay sidaasi kula macaamili jireen.

Saldanada Cismaan waxa uu u muuqdaa in aanu wax badan kala socon beelaha Baho Garxajis iyo Habaryoonis galbeed toona.

Waxa arimaha baho Garxajis aad ula socday suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo salaadiintii uu ka soo farcamay ee reer Xirsi Qani.

Beelaha Baho Garxajis waxa la isku yidhaahdaa Beelaha Ciidagale iyo Isaxaaq, hadaba aniga oo ah ama ka soo jeeda beesha Isaxaaq waxa aan taageersanahay hadalkii caaqil Rashiid Jaanbir, kuna taageersanahay in beelaha Baho Garxajis ay yihiin dad jira sida aanan u diidanayn in aan ahay Isaxaaq Care ayaan u aaminsanahay in aan ahay Baho Garxajis.

Meeshana wax kale kuma jiraan ee ha la is fahmo oo ha la sii laban laabo walaaltinimada guud iyo wada shaqaynta danta guud ee qaranka iyo ta Garxajisba si loo helo dal nabdoon iyo daris wanaag.

Maxamed Cismaan