Xalay waxa i soo gaadhaaya xogo is garab socda, oo ku saabsan mashaqada Laascaanood ka taagan:
1. Waxa la ii sheegay in ergooyinkii beelaha ee uu Muuse abaabulaayay ay ku qaybsameen qaabka hawsha loo galaayo. Belaha Garxajis oo u arka in aan sida wax loo wado xal ku imanayn, waa ka gacan taagteen in ay hawshaas galaan. Dagalku ma aha mid laba beelood oo deegaan wadaag ah ka dhex qarxay sidii cadiga innoo ahaan jirtay. Waa dagaal siyaasad iyo xukun ku salaysan, u na dhexeeya Xukuumadda Sl iyo kacdoonka Beelaha Dhulbahante, kaas oo Muuse uu argagixiso ku sheegay. Beelaha Garxajis ergooyinkoodi waa diideen ka qayb qaadashada ammuur aanay shuqul ku lahayn.
2. Geesta kale, iyada oo xukuumaddu ay ergooyin abaabulayso, hadana waxa garab socda abaabul ciidan oo mug leh, waxaana si dadban u caddeeyay Janan Nuux oo sidii la wada ogaa u hadlay. Buuhoodle argagixiso ayaa haysatay, imika na in ay Laascaanood ku darsadaan ayay doonayaan! Cudurka la doonaayo in ay ergadu dawayso, ee odayaasha la gu lu’goynaayo, kalmaddii sii shidi lahayd, ee darafka kale na ka sii xanaajin lahayd Nuux baa ku dooday, weliba si ku celcelis ah. Muuse iyo Nuux in ay si dhab ah isu ogyihiin qofna yaanu wax shaki ahi ka gelin.
3. Gebagabadii, waxa la ii xaqiijiyay xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland in ay hadda ku qanacsanyihiin, ka dib markii ay in badan is diidsiinaayeen, xaqiiqada ah Muuse in ay ka go’antahay in aanay doorasho nooca ay rabto ba ha noqotee Somaliland ka dhicin; sababta uu dagaalka Laascaanood u sii shidayaa na ay qayb ka tahay qorshihiisa doorasho diidka. Wixii kale ee ay yeeli lahaayeen ayay hadda qorshaynayaan, wada tashiyo ayaana u socda. Sidaas darted, mucaridka waxa aan ku hambalyaynayaa in ay riyo maalmeedkii is ka dhaafeen oo hadda xaqiiqadii u dhawaadeen. Marka ay sidaas tahay, waxa aan ka codsanayaa in ay soo saaraan mawqifkooda rasmiga ah ee mashaqada Laascaanood ka taagan ku saabsan. “Dhiigga daadanaaya waa ka xunnahay…”, ma ku filna, cid idinka siisanaysaa na ma jirto. Ilaa hadda Somaliland waxa ka jira hal mawqif siyaasadeed oo ah midka Muuse iyo Xukuumaddiisa, kaas oo ah in dagaalku sii socdo. In odayaal masaakiin ah oo masaariif u baahan la abaabulo, geesta kale na, ciidamada iyo hubka Laascaanood la gu daadgureeyo, waa qorshaha is garab socda ee Xukuumadda. Mucaaridoow, haddii aydaan qaadanin mawqif cad oo Laascaanood ku saabsan, jiritaankiinu si la hubo ayuu u micno beelayaa. Is ka aamusku siyaasadda ka mid ma aha.
Muuse iyo dadka la talada ahi waxa ay moodayaan in dabka Laascaanood ka holcaaya, dadka qaxaaya iyo duminta magaaladu ay halkaas ku koobnaanayso. Waa kaas caqligoodu. Beelaha Somaliland waa in ay si gaar-gaar ah u soo saaraan mawqifkooda ku aaddan mashaqadaas. Beesha Garxajis ayaa u gu horaynaysa sida wararku I gu soo gaadhayaan.
Waxa Qoray:-