Waxa la Gaadhay Xilligii Diblomaasiyad ahaan Somaliland la xisaabtami Lahayd Kenya
Xukuumadda Somaliland maxay Kenya u hordhigi wayday inay kula xisaabtanto 18 kun oo qof muwaadiniin u dhashay Kenya ay ka shaqeytaan dalka.
Waxay qabsadeen oo Kenyanku ka dhex muuqdaan shaqooyinka noocyadooda kala duwan; sida Farsamiyaqaanada dhismaha, Macalinimada, kalkaaliyeyaasha caafimaadka iyo meelo kale.kuwaasi oo dhaqaalaha qoysaska Kenya wax ka beddelay, sidoo kale waxa Somaliland maalinwalba yimaada qaadka Miirooga oo aad looga isticmaalo magaalooyinka Somaliland iyada oo maalin kasta ay yimadaan diyaarado sida jaadka Miirooga halkaasi oo ay dawlada Kiiniya ka hesho lacag adag.
Sidaas darteed, waxa habboon inay Xukuumadda Somaliland arrintaas kula xisaabtanto Kenya oo dhawaan qalinka ku duugtay qorshaha is dhexgalka ganacsiga Qaarada Afrika, waxa daruuri ah in laga faa’iidaysto in Kenyaanku yihiin ajanabiga ugu badan ee ka shaqeysta, kuna nabadgalay Somaliland.
Waxa kaloo loo baahan yahay in Xukuumadda Somaliland ay dalalka jaarku kula macaamilayan hadba isha ay ka arkaan ee ah in aanay Xukumadda Muuse fahansanayn siyaasadda gorgortanka ku dhisan ee caalamku u mscaamilo.
Waxa Kenya ay xaqiiqada u soo noqotaa marka lagu jiqsiiyo. Haddii Somaliland soo saarto amar ah jn 18 kun oo Kenyan ahi saddsx maalmood kaga baxaan Somaliland waxay noqon kahayd fursad Kenya ku xaqiiqsan lahayd inay Somaliland tahay dal aanay ka maarmi karin.
Sidoo kale waxa ay u soo jeedin lahayd in qunsuliyadda ay ka furatay Somalilabd noqoto mid aan u dabranayn oo aan laga xukumin Muqdisho.
Ugu dambayn, waxa la gaadhay xiligii ay Somaliland fahmi lahayd siyaasadda dibadda ed ku wajahan macaamilka danta ku sallaysan.