Mid ka mid ah madaxda diyaaradaha Yurub oo ka digaya in shidaalkii diyaarada uu hakad galo Yurub
Wax yar ka hor, Agaasimaha guud ee shirkadda Ryanair, Michael O’Leary, ayaa ka digay in helidda shidaalka diyaaradaha ee Yurub ay carqalad geli karto laga bilaabo bisha May haddii dagaalka Bariga Dhexe sii socdo.
O’Leary ayaa wareysi uu siiyay Sky News ku sheegay in saameynta dagaalku ay halis gelin karto ilaa 25% shidaalka Ryanair inta u dhaxaysa May iyo June.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jirto halis ah in qiimaha tigidhada uu si weyn u kordho inta lagu jiro April, May iyo June haddii colaadda sii socoto, inkastoo qiimaha shidaalka shirkaddu hadda uu weli deggan yahay.
Ilo dowladeed ayaa u sheegay BBC in dadka u safraya dibadda inta lagu jiro Easter aysan jirin wax walaac ah, isla markaana aan la filayn wax carqalad ah oo ku timaadda shidaalka waqtigan. Waxay sidoo kale intaas ku dareen in warshadaha shidaalka iyo dowladda ay eegayaan saadaasha sahayda lix toddobaad ee soo socda, isla markaana la diyaarinayo qorshayaal kale oo gurmad ah.
Bbc somali





