Hargeysa(Qaran news)-Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in aanay mar dambe wax sharci darro ah ka yeelayn Komishanka Doorashooyinka.
Murrashax Cirro wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu maanta ku baahiyay twitterkiisa, waxaanu si kaftan ku jiray ugu tiiqtiiqsaday diidmadii maxkamadda sare ay ganafka ku soo dhufatay dalabkii Komishanka ee ahaa inay maxkamaddu soo cayinto doorashada soo horaynaysa labada doorasho ee madaxtooyada iyo ta Ururrada.
“Komishanka Doorashooyinka Qaranku shalay waxaa lagu yidhi waajibkiina guta oo Maxkamaddu waa ay amartay.
Waxa aan leeyahay Komishanka haddii ay mar idinka xumaatay mar labaad yaanay idinka xumaan, wax sharci darro ahna marnaba yeeli mayno,”ayuu yidhi murrashax CabdiraxmaanMaxamed Cabdilaahi Cirro.