BBC-da qeybteeda Verify ayaa heshay sawirro dayax-gacmeed oo laga qaaday Tehraan subaxnimadii maanta, kuwaas oo muujinaya burbur weyn oo soo gaaray qayb ka mid ah guriga hogaamiyaha, ahna xafiiska Hogaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.

Sawirka oo ah mid tayo sare leh, oo ay qaadday shirkadda Airbus, ayaa muujinaya dhismayaal gubtay iyo burbur oo xoogan oo soo gaaray goobta, iyo qiiq/uuro ka baxaysa meesha.

Goobtu waxay muujineysaa oo ay lamid tahay muuqaallo la xaqiijiyay oo laga duubay Tehraan subaxnimadii maanta, kuwaas oo muujinaya wixii ay geesteyn qaraxyadii saaka ka dhacay aaggaas.